Home » Maxaa Cusub » Warbixin: Zlatan Ibrahimovic Oo Ka Dhawaajiyay Kooxda Uu Jeclaan Lahaa Inuu U Ciyaaro

Warbixin: Zlatan Ibrahimovic Oo Ka Dhawaajiyay Kooxda Uu Jeclaan Lahaa Inuu U Ciyaaro


IBRAHIMOVIC-443998

Weeraryahanka Paris Saint Germain Zlatan Ibrahimovic ayaaa jeclaan lahaa inuu ku biiro kooxda Bayern Munich ee ka dhisan Bundesliga.

Xidigaan reer Sweden ayaa ku jira sanadkiisii ugu dambeeyay qandaraaska uu kula jiro Paris Saint Germain waxaana lala xiriirinayaa inuu ka tagayo magaalada Paris.

Si kastaba Ibrahimovic oo kasoo ciyaaray horyaalada Holland, Spain, France iyo Italy ayaa markaan doonaya inuu soo tijaabo meel aan aheyn horyaaladas uu kasoo ciyaaray xili ayba dooneyso kooxda Real Madrid.

“Waan hubaa inuu jiro horyaal i xiiso galiya, laga yaabee inaan maalin tago halkaas, wali waxaan heystaa waqti” Ayuu yiri Zlatan Ibrahimovic.

“Hadii aan aado Jarmalka, waxaan jeclaan lahaa inaan u ciyaaro Bayern Munich, waana mid ka mid ah shanta koox ee ugu wanaagsan dunida”

Ibrahimovic wuxuu PSG kaga yimid kooxda Ac Milan sanadii 2012, wuxuuna kula guuleystay sadex horyaal oo xiriir ah tan iyo markii uu halkaas tagay.

Ugu dambeyntii Zlatan Ibrahimovic oo usoo ciyaaray Ajax, Juventus, Inter, Barcelona iyo Ac Milan ayaa doonaya inuu xirto maaliyada Bayern Munich.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>