Wargeska Metro ayaa qoray inay macquul tahay in naadiga Bayern Munich ay si lama filaan ah xagaagan kula saxiixato da’yarka kooxda Liverpool ku faanto Raheem Sterling.
20-jirkan gaba ahaanba wuxuu joojiyay wada hadaladii qandaraas kordhinta ee uu Liverpool la waday madaama ay maamulka Liverpool ka biyo diideen dalabkiisa ah in todobaad walbo la siiyo £150,000.
Qandaraaska Sterling ayaa u eg dhamaadka xili cayaareedka dambe taasi oo ka dhigan in bisha June qandaraaskiisa ka hari doono mudo 12-bilood oo qura.
Sidaa darteed Liverpool oo aan rabin inay si lacag la’aan ah ku lumiso Sterling sidoo kalena ka cabsi qabto in xidigan uu ku biiro Chelsea ama Man City ayaa diyaar u ah inay wada hadalo la furto naadiga Bayern Munich.
Kooxda Bayern Munich ayaa si taxadir ku dheehan arintan usoo fara galisay waxayna tixgalineysaa kooxda Liverpool madaama aysan rabin xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeyo inay lumiso.
Waxayna Bayern ka warsugi doonaa ilaa xagaaga nagu soo fool leh hadii markale Liverpool ku guul dareesato inay Sterling heshiis cusub ka saxiixdo waxaa hubaal ah in Bayern markaas dalab toos ah dhigeeda Liverpool usoo diri doono sida uu wargeska Metro sheegay.