Home » Maxaa Cusub » Wargeska Metro Oo Sheegay In Kevin de Bruyne Uusan Diidi Doonin Ku Laabashada Chelsea

Wargeska Metro Oo Sheegay In Kevin de Bruyne Uusan Diidi Doonin Ku Laabashada Chelsea


Kevin-de-Bruyne-Wolfsburg

Wargeska Metro ayaa sheegay in kubad sameeyaha kooxda VFL Wolfsburg Kevin de Bruyne uusan diidi doonin xagaaga nagu soo fool leh inuu dib ugu soo laabto garoonka Stamford Bridge.

Metro ayaa sheegay in Chelsea ay dhigeeda Juventus ka iibin doonto Oscar sidoo kalena ay qorshaha ugu jirto inay Kevin de Bruyne dib usoo ceshato.

Waxaa la islahaa xidiga reer Belgium kuma laaban doono galbeedka London madaama uu macalin Jose Mourinho xumeeyay balse dad aad ugu dhow ayaa Metro u sheegeen inuu Kevin de Bruyne wax walaac ah ka qabin ku laabashada kooxdiisii hore.

Sidoo kale ESPN ayaa sheegay in 23-jirkan uu saaxiib la yahay Eden Hazard sidoo kalena ka wada hadleyn qaabkii uu Chelsea dib ugu soo laaban lahaa xili cayaareedka dambe.

Kevin de Bruyne ayaa caalamka tusay go’aankii Chelsea ku dirtay sanadkii hore inuu qalad weyn ahaa madaama uu xidigan haatan siweyn uga dhex muuqdo naadiga Wolfsburg kuna soo baxay mid ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan qaarada Yurub xiligan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>