Home » Maxaa Cusub » Wargeyska AS: Manchester City Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxixia Alvaro Morata

Wargeyska AS: Manchester City Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxixia Alvaro Morata


Alvaro

Sida ay ka dhawaajisay majaladda AS la yiraahdo ee fadhigeedu yahay Spain kooxda kubada cagta Mancehster City ayaa isha ku heysa saxiixa weeraryahanka kooxda Juventus Alvaro Morata.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska ayaa kusoo biirtay tartanka loogu jiro xidigaan waxaana horay u doonayay kooxaha Liverpool iyo Real Madrid.

Manchester City waxey dooneysaa iney iska iibiso Steven Jovetic iyo Edin Dzeko kuwaas oo labaduba lala xiriirinayo iney ka hayaamaan Etihad Stadium.

Wiilkii hore Real Madrid ayaa lasoo baxay qaab ciyaareed layaab leh wuxuuna safka hore ka noqday kooxda Max. Allegri.

Dhanka kale Alvaro Morata ayaa u muuqda mid la wareegi doona hanaanka weerarka Xulka Spain madama uu habeen hore goolka guusha u dhaliyay.

Ugu dambeyntii Alvaro Morata ayaa ku sugan Juventus wax ka yar 12-bilood madama uu July sanadkii hore kusoo biiray kooxda Juventus.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>