Daafaca midig ee kooxda Barcelona Dani Alves ayaa ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay nolosha garoonka Camp Nou xili ay jiraan warar xowli ah oo la xiriirinaya kooxo dhowr ah oo ka dhisan qaarada yurub.
Heshiiska uu Dani Alves kula jiro kooxda Barcelona wuxuu ku egyahay bisha June ee soo aadan, inkastoo xidiga uu ka dhawaajiyay inuusan ku biiri doonin koox xifaaltan la ah Barca, hadana waxaan la ogeyn inuu heshiis cusub heli doono iyo in kale.
“Qalbigeyga wuxuu ku faraxsan yahay halka aan joogo, ma ogi inta aan halkaan joogi doono” Ayuu yiri Alves oo la hadlayay Globoesporte.
Dani Alves waxaa la sheegay inuu guri ka raadinayo PARIS, sidoo kalana uu heshiis laba sano ah la galay kooxda Paris Saint Germain.
Ugu dambeyntii arinta Dani Alves ayaa noqotay hadal heynta ugu badan ee suuqa kala iibsiga xiligaan madama uu yahay xidig wali tayo leh.