Ka sokow iney ciyaarayaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid waxaa jirta inuu xifaaltan gaar ahaaneed ka dhaxeeyo wiilasha lixda ah ee weerarka uga ciyaara labadaan kooxood kuwaas oo la aaminsan yahay iney yahiin Sadex weerarka ugu fiican kubada cagta xiligaan ee garoon isla gasha.
MSN (Messi, Suarez iyo Neymar) Ayaa Wajahaya BBC (Bale, Benzema Iyo Cristiano Roanldo), marka dhinac loo eegana waa dagaal u dhaxeeya LATIN AMERICA iyo YURUB.
MSN (Messi, Suarez iyo Neymar)
Wiilasha sadexda ah ee Latin America kasoo wada jeeda ayaa fure u ah kooxda Bulgarana waxeyna dhaliyeen 29-gool, 37-dii gool ee ugu dambeysay oo ay Barcelona ka dhaliso horyaalka La Liga, taasoo ka dhigeysa iney ahmiyad gaar ah u leeyahiin kooxda.
Messi ayaa sare u kac sameeyay kaas oo ka sara maray Cristiano Ronaldo gooldhalinta horyaalka La Liga madama labadii gool oo uu ka dhaliyay Eibar ay ka dhigay inuu dhaliyay 32-gool xili ciyaareedkaan horyaalka, waana xidiga ugu sareeya gooldhalinta 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub.
Messi intii u dhaxeysay August ilaa December 2014 horyaalka La Liga wuxuu dhaliyay 15-gool oo qura, halka inta u dhaxeysa January ilaa Maarso sanadkaan uu dhaliyay 17-gool kulamada horyaalka La Liga.
Dhanka kale bandhigii Messi ee kulankii Manchester City ayaa la amaanay taasoo noqotay hadal heynta ugu badan kubada cagta, dhanka kale Neymar ayaa ah xidiga sadexaad ee ugu goolasha badan horyaalka La Liga madama uu dhaliyay 17-gool, wuxuuna ka hooseyaa Messi iyo CR7. Halka Suarez uu dhaliyay 7-gool oo qura horyaalka La Liga.
BBC (Bale, Benzema Iyo Cristiano Ronaldo)
Wiilasha reer Yurub ee afka hore uga ciyaara kooxda boqortooyada iyaguna waxey sameeyeen wax cajiib ah xili ciyaareedkii dhamaaday, sidoo kalana si dardar leh ayey ku bilowdeen xiligaan haatan gabagabada maraya, walow la dareemayo hoos u dhac yar oo ay muujiyeen sanadkaan 2015.
Gareth Bale ayaa ka baxay abaar heysatay 9-kulan madama uu laba gool ka dhaliyay Levante todobaadkaan kulan ay Madrid dib uga soo kabatay guuldarooyin is xig-xigay, balse wali xidigaan kama dhex bixin dhaleeceyntii kaga imaneysay Jamaahiirta, inkastoo ayba jirto inuu jid gooyo u dhigtay gool uu hamiyay Ronaldo kulanki Levante.
Xidiga ugu wanaagsan Dunida Cristiano Ronaldo kaas oo heysta abaalmarinta Ballon d’Or ayaa dhaliyay 30-gool La Liga, waxaana intaa dheer iney xidigahaan dhaliyeen 55-gool, sidoo kalana caawiyeen 24-gool kale xili ciyaareedkaan.
CR7 25-gool oo ka mid ah goolashiisa wuxuu dhaliyay intii u dhaxeysay August ilaa December waana arin u qaas ah, inkastoo Janaury 2015 ilaa March 2015 uu dhaliyay 5-gool oo qura horyaalka La Liga.
Karin Benzema ayaa isna dhaliyay 13-gool xili ciyaareedkaan horyaalka Spain halka Gareth Bale isna uu dhaliyay 12-gool horyaalka La Liga.