Home » Maxaa Cusub » Wayne Rooney Oo Aaminsan In Ronaldo Uu Messi Ku Garaaci Doono Ballon d’Or 2014

Wayne Rooney Oo Aaminsan In Ronaldo Uu Messi Ku Garaaci Doono Ballon d’Or 2014


Rooney

Kabtanka kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa aaminsan in Ronaldo uu mudan yahay inuu ka saramaro Messi kuna garaaco Abaalmarinta FIFA Ballon d’or Sanadkaan 2014, xili labadaan xidig ay hogaanka u hayaan liiska ay soo saartay FIFA.

Weeraryahankaan reer Portugal ayaa sameeyay hormar weyn sanadkaan markii uu Real Madrid u qaaday Champions League, UEFA Super Cup iyo Copa Del Rey, balse wuxuu ku hungoobay inuu xulkiisa geeyo meel wacan koobkii Aduunka.

Si Kastaba Ronaldo xili ciyaareedkaan bilowga ah si fiican ayuu u bilowday madama uu dhaliyay 20-gool, 13-kulan oo uu saftay dhamaan tartamada oo dhan.

Ronaldo oo ku guuleystay Ballon d’Or 2013, hadana Rooney ayaa rajeynaya inuu difaacdo saaxiibkiisii hore abaalmarintaan.

“Sidaas ayey ila tahay” Ayuu ku jawaabay Rooney oo wax laga weydiiyay hadii CR7 uu abaalmarintaan difaacan karo.

“Waan hubaa iney adag tahay in qof kale la siiyo abaalmarintaas”

Ugu dmabeyntii Abaalmarinta Ballon d’Or ayaa la bixin doonaa bisha 12-ka January iyadoo lagu bixin doono magaalada Zurich.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>