Home » Euro 2016 » Wayne Rooney Oo England Guusha Gacanta U Galiyay Kulan Ay Si Dhib Badan Kaga Badiyeen Estonia

Wayne Rooney Oo England Guusha Gacanta U Galiyay Kulan Ay Si Dhib Badan Kaga Badiyeen Estonia


Rooney

Kabtana xulka England Wayne Rooney ayaa muujiyay inuu yahay hogaamiyaha aysan ka maarmin xulka lagu naaneeso Sedexda Libaad kadib markii uu guusha xulkan gacanta u galiyay kulan ay 1-0 kaga badiyeen xulka Estonia isreeb reebka Euro 2016.

Xulka England wuxuu iska caabin xoogan kala kulmay xulka aadka u yar Estonia weliba xulka Estonia inta badan kulankan 10-cayaaryahan ayay ku dhameesteen madaama kaarka cas laga siiyay Ragnar Klavan daqiiqadii 48-aad.

Rooney ayaa laad xor ah xulka England u dhaliyay daqiiqadii 74-aad waxaana cayaarta wax weyn ka badalay Raheem Sterling oo badal kusoo galay.

Tababaraha xulka England Roy Hodgson ayaa ku farxay guuasha ay xulkiisa heleen madaama England haatan guuleesatay 3-kulan oo ay cayaartay Qaybta E waxayna leeyihiin 9-dhibcood.

Xidigaha England U Safteen Kulankan:

England: Hart; Chambers, Cahill, Jagielka, Baines; Henderson (Sterling 64), Wilshere, Delph (Oxlade-Chamberlain, 61); Lallana; Welbeck (Lambert 80), Rooney.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>