Home » Maxaa Cusub » Wayne Rooney Oo Mudo 11-Sano Kadib Kooxda Everton U Cayaari Doono Iyo Sababta!!

Wayne Rooney Oo Mudo 11-Sano Kadib Kooxda Everton U Cayaari Doono Iyo Sababta!!


Wayne

Kabtanka xulka England iyo kooxda Man United Wayne Rooney ayaa go’aansaday inuu markale u cayaaro naadiga Everton mudo 11-sano kadib.

Wayne Rooney ayaa kasoo muuqan doono garoonka Godison Park kulan lagu sagootin doono halyee Duncan Ferguson lagu sagootin doono.

Wayne Rooney ayaa aqbalay inuu xirto malaayiada buluuga ah ee kooxda Everton si uu horaanta bisha August kaga qayb qaato kulanka saaxiibkiisii hore oo ay Everton ka wada tirsanaan jireen lagu sagootin doono.

Wayne Rooney wuxuu Everton isaga tagay bishii August sanadii 2004 wuxuuna haatan ka qayb qaadan doonaa kulan halyeeyaasha Everton ay la cayaari doonaan naadiga Villareal 2-bisha August.

Rooney oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Waxaan kusoo bar baaray xerada Croxteth anigoo daawanayo tababarka Duncan Ferguson wuxuuna ii ahaa geesi ayaan ku dayin jiray”

“Markii aan kooxda heerka kowaad ee Everton kusoo biiray wuu i daryeeli jiray sidoo kalea garabkeyga ayuu marwalbo taagnaa”

“Ma jirto wax ka wanaagsan ee aan sameyn lahaa waa inaan ka qayb qaataa maamuuska iyo sagootinka maqaamka sare ee uu uu mudan yahay Duncan”

Duncan Ferguson waa halyee kooxda Everton ku faanto asigoo u dhaliyay 72-gool wuxuuna u saftay 191-kulan asigoo labo xili oo kala duwan kooxda Everton u cayaaray halyeegan.

Ferguson isagana wuxuu u mahad celiyay Rooneyo wuxuuna yiri “Aadban ula dhacay in Wayne uu aqbalay inuu kulankan ka qayb qaato, haatana waa xidig caalami ah waxaana u xiiso qabaa inaan garoon isla galno waana kaga mahad celinaa aqbalaadiisa”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>