Kabtanka Xulka England ayaa rikoor cusub oo dhanka gooldhalinta ah dhigay, kadib markii uu xalay rigoore ka dhaliyay xulka San Marino kulan ay ku awood sheegteen 5-0.
Wayne Rooney oo haatan 42-gool dhaliyay dhamaan tartamada oo dhan oo uu u ciyaaray England, ayaa ku jira kaalinta afaraad kala horeynta liiska gooldhalinta England, Waxaana ka horeeya Charlton, Linkear iyo Greaves, balse wuxuu noqday xidigii ugu horeeyay England ah oo tartan caalami ah dhaliya 30-gool kadib goolkiisii San Marino.
Inkastoo Wayne Rooney uu masuul ka haa inuu goolka shanaad dhasho hadana xaq uma lahan waayo waxaa iska dhaliyay xidig ka tirsan San Marino sidaas ayuuna ku waayay wuxuuna haatan gooldhalinta England u jiraa 7-gool.
28-jirkaan ayaa amaan ka helay tababare Roy Hodgson kaas oo tilmaamay in wiilkaan uu jabin doono rikoorka gooldhalinta ugu sareysa xulka England.