Kabtanka kooxda Man United Wayne Rooney ayaa ka dhawaajiyay in xidigaha kooxdiisa iyo taageerayaasha ay haatan jawi wanaagsna ku jiraan.
Wayne Rooney ayaa ku tilmaamay saxiixa Bastian Schweinsteiger mid si wacan kooxda maamulkeeda ugu amaanan yihiin sidoo kalena imaanshaha Bastian uu wax weyn ka badalay mooraalka Man United.
Rooey wuxuu yiri “Bastian waa laacib waaya araga ah sidoo kalena ku guuleestay koob walbo oo caalami ah”
“Wa arin wanaagsan hadii uu anaga na doortay weliba wuxuu kasoo tagay naadig Bayern Munich ah asigoo doortay inuu halkan mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato”
“Bastian si wacan ayuu ugu hadli karaa luqada Ingiriiska midaasna waxay sare u qaaday inuu si wacan ula shaqeeyo dhamaan xidigaha kooxda”
“Waa laacib cajiib ah kaasi oo sanado badan bandhig sare garoomada ka muujiyay wuxuuna sare u qaaday mooralka iyo niyada Man United”
Dhanka kale Rooney aya sidoo kale amaan kala dul dhacay saxiixa cusub ee Man United Morgan Schneiderlin wuxuuna “Morgan waa xidig Premiership-ka bandhig wanaagsan ka muujiyay waxaana aad ugu kalsoon nahay inuu wax badan naga caawin karo xili cayaareedka cusub”