Home » Horyaalada » italian Serie A » Weeraryahanka Reer Jarmal Mario Gomez Oo Qarka U Saaran Inuu Naadiga Besiktas Ku Biiro

Weeraryahanka Reer Jarmal Mario Gomez Oo Qarka U Saaran Inuu Naadiga Besiktas Ku Biiro


Mario Gomez

Mario Gomez ayaa go’aansaday inuu kooxdiisa Fiorentina isaga tago inta uu suuqa Yurub furan yahay wuxuuna xidigan haatan heshiis hordhac ah la gaaray naadiga Besiktas.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in kooxda reer Turkey ay haatan Gomez ku qaadan rabto £5.6m wuxuuna xidigan awooda badan gali doonaa booskii uu baneeyay Demba Ba oo dalka China u dhaqaaqay.

Mario Gomez waxaa lala xariirinaayay inuu kooxda Liverpool qaab amah ah ku imaan doono halka Mario Balotelli uu isagana Fiorentina ku biiri doono.

Balse Gomez ayaa qorshahan ka hor imaaday kadib markii uu xaqiiqsaday in Liverpool ay lacago badan kusoo iibsatay Christian Benteke mana doonayo Gomez inuu kursiga keydka garoonka Anfield fariisto.

Kooxda Besiktas ayaa iska dhaaftay qorshihii ay Danny Welbeck kula soo wareegi laheyd waxayna haatan heshiiska shaqsiga ah la gaartay Gomez oo aqbalay inuu labo xili cayaareed kooxdan ka mid ahaado.

Naadiga Fiorentina dhankeeda diyaar ayay u tahay inay dalabka Besiktas madaama uu Gomez kooxdiisa ka dalbaday in la iska fasaxo waayo xidigan ayaa ka carooday go’aankii macalin Vicenza Montella shaqada looga racadeeyay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>