Macalin Arsene Wenger ayaa xusay in halyee Thierry Henry uu mar sedexaad dib ugu soo laaban doono garoonka Emirates balse markan wuxuu sadaalinaa Wenger in xidigan uu noqon doono tababaraha mustaqblka dhow ee Arsenal.
“Marwalbo waxaan diyaar u ahay inaan kooxda kusoo dhaweeyo shaqsiyaadkii naadiga wax u qabteen”
“Mana kusi jiro Thierry Henry waayo waa halyee Arsenal magaceeda iyo mansabkeed sare u qaaday”
“Waxaaan aaminsanahay inuu mar sedexaad dib ugu soo laaban doon waqooyiga London weliba markan asigoo macalin ah”
“Waan hubaa in Henry inuu leeyahay tayada macaliimada looga baahan yahay balse go’aanka asiga ayay ku xiran tahay inuu diyaar u yahay inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo dhanka macalinimada”
“Waxaan diyaaar u ahay inaan shaqada macalinimo ku caawiyo balse waa hadii uu isaga diyaar u yahay waayo waxaan arkay shaqsiyaad bdan oo tayada macalinimo leh balse ku fashilmeyn shaqadan madaama aysan waqtigooda u hurin”
Thierry Henry oo 37-jir ah waxaa macquul ah inuu talada Wenger qaato sidoo kalena uu mustaqbalka dhow noqdo macalinka kooxda Arsenal hogaamin doono inkastoo midaas ay ku xirnaan doonto go’aanka Henry iyo inuu xiiseenayo shaqada macalinimada.