Home » Maxaa Cusub » Wenger Ku Aragti Ma Ahan Mourinho Madaama Uu Yiro “Hazard Ku Heer Ma Ahan Ronaldo Iyo Messi”

Wenger Ku Aragti Ma Ahan Mourinho Madaama Uu Yiro “Hazard Ku Heer Ma Ahan Ronaldo Iyo Messi”


Wenger-Chelsea-572384

Macalin Jose Mourinho dhawaan wuxuu Eden Hazard ku tilmaamay inuu haatan ku heer yahay labada xidig ee aduunka ugu wanaagsan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Balse hadalkaas waxaa ku gacan seeray macain Arsene Wenger oo ku tilmaamay arin aan laga fiirsanin hadii Hazard lala bar bar dhigay Messi iyo Ronaldo.

Wenger wuxuu yiri “Hazard waa xidig aad u wanaagsan sidoo kalena cayaaraha adag go’aamin karo tayo ahaan”

“Hazard ku heer ma ahan Ronaldo iyo Messi oo ka sareeyaan dhamaan xidigaha kale madaama labadan xidig sanad walbo 50-gool ay dhalin karaan”

“Hazard ma ahan cayaaryahan 50-gool dhalin karo laakiin waa xidig aad u tayo wanaagsan inkastoo fikrad ahaan ay tahay mid lagu fududaaday in Hazard lala meel dhigo Messi iyo Ronaldo”

Hadalka Wenger ayaa jawaab u ah midka Mourinho oo Hazard ka dhigay xidigaha aduunka ugu wanaagsan inuu ku heer yahay.

Dabcan axada nagu soo fool leh ayay tartanka Community Shield ayay Arsenal iyo Chelsea isku haleeli doonaan waxaana muuqato in dagaal dhanka maskaxda ah ay labadan koox isku hayaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>