Home » Maxaa Cusub » Wenger Oo Is Dhiibay “Masoo Qaban Karno Chelsea Balse Kaalinta Labaad Anaga Ayaa Iska Leh!”

Wenger Oo Is Dhiibay “Masoo Qaban Karno Chelsea Balse Kaalinta Labaad Anaga Ayaa Iska Leh!”


Wenger

Macalin Arsene Wenger ayaa aaminsan in kooxda ka dhisan galbeedka London Chelsea aysan soo qaban karin madaama ay hogaanka EPL ku hayaan 7-dhibcood sidoo kalena kulan baaqi  yahay.

Balse Wenger ayaa sheegay in kooxdiisa ay dadaalkeeda wanaagsan sii wadi doonto si ay kaalinta labaad ugu dhameestaan xili cayaareedkan.

“Wax isbadalay ma jiro Chelsea wey isku kalsoon tahay sidoo kalena hogaanka wey ku raaxeesanee madaama ay dhibco badan nooga hayaan”

“Waxaan u baahanahay inaan sii joogteena bandhigeena aadka u wanaagsan waxaana dareensanahay inaan heer wanaagsan taaganahay xili cayaareedkan”

“Waxan guuleesanay 16-ka mid ah 18-kulan ee ugu dambeesay midaasna waxay muujinee in awooda kooxda ay dhameestiran tahay balse waqti nagu filan oo aan Chelsea kusoo qabano ma heesano”

“Waxaan si gaar ah isha ugu heynaa kooxaha naga hooseeyaan sida Man United iyo Man City sidaa darteed wa inaan ku dadaalnaa sidii aan kaalinta labaad u xaqijisan laheyn”

Ugu dambeyntii Wenger ayaa sheegay in kooxdiisa ay fursad u heestaan inay koob qaadaan xili cayaareedkan madaama ay Semi-Final taagan yihiin tartanka FA Cup-ka.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>