Tababaraha kooxda Arsenal inta badan shirkii jaraa’id ee uu qabtay wuxu kaga halay xaalada adag oo ay ku sugan tahay madaama xidigo badan Gunners-ka dhaawac kaga maqan yihiin.
Balse Wenger aqbaar wanaagsan ayuu taageerayaasha Arsenal la wadaagay madaama uu ka dhawaajiyay in Aaron Ramsey uu haatan kasoo kabtay dhaawacii uu garoomada kaga maqnaa.
“Ramsey maalinta Isniinta ah ayuu tababarka kooxda soo xaadiri doonaa sidoo kalena waxaan rajeynaa inuu kursiga keydka so fariisan doono kulanka aan la cayaari doono Andreclecht arbacada”
Soo laabashada Ramsey waxay niyad dhis weyn u noqon doontaa kooxda Arsenal oo haatan u baaha hogaanka Ramsey madaama xidigo badan dhaawac ka yihiin waxaana lagu wadaa xidiga reer Wales inuu qaab cayaareedkiisii wanaagsaa halksiisa kasii wato marka uu garoomada kusoo laabto dhawaan.