Daafacii hore Manchester United Wes Brownayaa su’aalo lagu weydiiyay bogga ay kooxdiisa Sunderland ku leedahay Youtube-ka, isla markaana soo hadal qaaday ciyaartoy badan oo uu ka mid yahay xidiga haatan kooxda ku wareersan ee Anderson kaas oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Brazil.
Wes Brown oo 18-sano kasoo mid ahaa Manchester United ayaa ku sheegay Anderson inuu yahay xidigii ugu doqonsanaa oo uu kasoo garab ciyaaray waayahiisa kubada cagta isagoo ku sababeeyay inuusan xidigaas ilaa hadda si fasiix ah ugu hadli karin luqada English-ka iyadoo la ogyahay inuu Old Trafford kusoo biiray 2007.
“Waan iskala mid aheyn United ilaa afar sano, hadaan si daacad ah u hadlo uma maleynayo inuu ku hadli karo English-ka”
Sidoo kale Wes Brown ayaa la weydiiyay su’aalo dhowr ah waxaana la weydiiyay kulanka uu ugu jeclaa waayahiisa ciyaaraha: Brown ayaa ku jawaabay inuu yahay kulankii ay Manchester United ku xalaaleysatay koobkii Champions League 2008, markaas oo ay rigoorayaal kaga qaadeen Chelsea.
Brown aya amar kale lagu celiyay su’aal kale waxaana la weydiiyay xidighii ugu xawaaraha dheeraa ee uu kasoo garab ciyaaro, wuxuuna ku jawaabgay.
“Xidigihii ugu xawaaraha dheeraa ee aan kasoo garab ciyaaro waxey ahaayeen Cristiano Ronaldo iyo Luis Nani”, sidoo kalana tababaraha haatan ee PSG Laurent Blanc ayuu ku tilmaamay xidigii ugu caajisanaa ee uu kasoo ciyaaro, ugu dambeyntiina wuxuu kusoo afjaray in Ryan Giggs uu yahay xidigii ugu wanaagsanaa oo uu ebid kasoo garab ciyaaro.