Home » Maxaa Cusub » West Brom Iyo Man United Oo Dhibcaha Wadaageen Cayaar Fellaini Iyo Blind United Guuldaro Ka Bad Baadiyen

West Brom Iyo Man United Oo Dhibcaha Wadaageen Cayaar Fellaini Iyo Blind United Guuldaro Ka Bad Baadiyen


United

Kooxda Man United ayaa ku guul dareesatay inay dhigeeda West Brom sedexda dhibcood ka qaadato kulankan xiisaha badan ayaa kusoo idlaaday 2-2 waxayna labadan naadi kala qaateen dhibcaha.

Dalley Blind ayaa Man United ka bad baadiyay guuldaro sidoo kalena wuxuu xidiga ree Holland dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay asigoo xiran maliyada Man United balse kooxda West Brom ayaa karti muujisay kulankan madaama ay labo jeer kooxdan hogaanka goolasha Man United kal hormartay.

Naadiga West Brom ayaa kulankan adag dar ar ku bilaawday waxayna kaashaneesay taageerayaasheedii, si lama filaan ah Stéphane Sessegnon ayaa hogaanka West Brom u dhiibay daqiiqadii 8-aad wuxuuna shabaqa Man United dhex dhigay laad xoogan asigo baas qurxoon ka helay Andre Wisdom oo dhanka garabka midig kubada ka keenay.

Labo daqiiqo kadib Van Persie ayaa kubad hoose laga bad baadiyay asigoo baas gaaban ka helay Angel Di Maria.

United ayaa heshay sedex koorno oo xariir ah balse kama aysan faa’iideesanin waxaana kubadahaas si adag isaga bixiyeen daafacyada kooxd West Brom.

Sidoo kale Di Maria ayaa markiisa kubad laga bad baadiyay daqiiqadii 19-aad madaama uu laad xoogan goosha West Brom ku riday balse goolhaye Myhil ayaa kubada si adag u bad baadiyay.

Shaxda Man United ayaa u muuqatay qaybtii hore mid aan shaqeynin marka laga reebo Di Maria xidigaha kale sida Herrera, Blind iyo Mata waxay awoodi waayeen inay kubada gaarsiiyaa Adnan iyo Van Persie.

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heyso kooxda West Brom.

Qaybtii labaad tababare Van Gaal ayaa badal kusoo galiyay Fellaini wuxuuna badalay Herrera oo aad ugu guul dareestay inuu qaybtii hore bandhig wanaagsan sameeyo madaama uu dhaawac kasoo kacay.

Fellaini ayaa durbadiiba gool caaqibo leh u dhaliyay kooxda Man United wuxuuna cayaarta ka dhigay 1-1 daqiiqadii 48-aad, xidiga reer Belgium ayaa xabadka saartay kubad uu soo karoosay Di Maria kadibna si wacan ayuu daafaca West Brom uga leexsaday wuxuuna shabaqa dhex dhigay kubad aad xoogan.

Badalka uu sameeyay tababare Van Gaal ayaa sheeqayay madaama uu Fellaini khadka dhexe la wareegay sidoo kalena awood dheeraad ah Man United kusoo kordhiyay.

Man United ayaa cayaarta gabi ahaanba la wareegtyay waxayna kooxda West Brom weesayfursad ay iskula qabsato qaybtii labaad ee kulankan.

Xidigaha West Brom marnaba lama dhayilsan karo waayo kooxdan ayaa markale hogaanka la wareegtay waxaana cayaarta 2-1 ka dhigay

Saido Berahino daqiiqadii 66-aad xidigan ayaa kubad dhex ka dhiib ah ka helay saaxiibkiis Chris Brunt waxaana qalad ku lahaayeen daafaca Man United oo kubada u qaateen ina Offside tahay balse Berahino wuxuu la sinaa daafaca Man United.

Falcao ayaa badal kusoo galay daqiiqadii 72-aad asigoo badalay Mata waxaana xidiga reer Colombia garoonka loo soo galiyay si uu Man United kaga soo gudo goolka lagu leeyahay.

Van Persie aya nasiib daro laad xoogan qoriga goosha kaga dhacday daqiiqadii 74-aad wuxuuna goosha kasoo toogtay meel fog balse nasiib daro kubada markii ay soo laabatay Adnan ayaa ku guul dareestay inuu si sax u dhaliyo wuuna qasaariyay fursadii uu helay.

Di Maria ayaa isna la badalay daqiiqadii 76-aad madaama uu awoodi waayay inuu cayaarta kusii jiro kadib markii ay jug gaartay waxaana lagu badalay Ashley Young,

Naadiga West Brom ayaa difaac gashay waxayna ku dadaashay inay hujuumka Man United iska caabiso balse xidiga reer Holland Daley Blind ayaa cayaarta 2-2 ka dhigay daqiiqadii 87-aad wuxuuna dhaliyay laad u qurxoon asigoo gooasha kasoo toogtay meel fog wuxuuna xidigan ka faa’iideestay kubad ay banaanka iska soo dhigeen daafaca West Brom.

Kulankan ayaa lagu daray 4-daqiiqo waxayna xidigaha Man United ku dadaaleen inay helaan goolkoodii 3-aad balse uma suura galin waxayna labadan koox ku kala baxeen bar bar dhac 2-2 ah.

Man United weli xili cayaareedkan kuma badinin meel ka baxsan garoonkeeda halka West Brom ay iyadana qarka u fuushay inay markii ugu horeesay mudo 30-sano kadib ay Man United ka badiyaan balse uma suura galin.

United ayaa kaalinta 6-aad ku jirto waxayna leedahay 12-dhibcood 8-kulan oo ay cayaartay sidoo kalena 10-dhibcood ayay ka hooseysaa kooxda Chelse oo horyaalka England hogaamineyso.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>