Home » Maxaa Cusub » Wilfried Bony Oo Goolkiisii Ugu Horeeyay Man City U Dhaliyay Kulan Ay West Brom Ku Bar Barteen

Wilfried Bony Oo Goolkiisii Ugu Horeeyay Man City U Dhaliyay Kulan Ay West Brom Ku Bar Barteen


City

Kooxda Man City ayaa wadada guusha dib ugu soo laabatay kadib markii ay 3-0 ku suul daartay naadiga West Brom, kulankan xiisaha badan waxaa Acount-giisa goolasha Man City ka furtay weeraryahanka reer Ivory Coast Wilfried Bony.

Balse cayaartan waxaa hareeyay kadib markii kaarka cas la siiyay cayaaryahan aan qalad galin midaas oo muran badan dhalisay.

Garsoore Swarbrick ayaa kaarka cas siiyay daqiiqadii 2-aad Gareth McAuley balse qaladka waxaa galay saaxiibkiis Craig Dawson oo lahaa in caalamada cas la siiyo.

Kooxda West Brom inta badan cayaartan 10-cayaaryahan ay ku cayaareesay waxayna midaas sababtay inay tababr weyso xidigaha Man City.

Kooxda Man City goolka u baahneyd waxaa daqiiqadii 27-aad u dhaliyay Wilfred Bony waxaa weeraryahankan ka dagay cadaadiskii saarnaa waayo tan iyo bishii Janaayo markii ay Man City 28-milyan oo pound kaga soo iibsatay naadiga Swansea wax gool ah ma uusan dhalinin.

Fernando ayaa cayaarta ka dhigay 2-0 daqiiqadii 40-aad wuxuuna xigan awooda badan ka dhigay cayaarta mid dhinac dhacday, sidoo kalena goolkan wuxuu ahaa midkii 1000-aad oo ay Man City EPL ka dhaliso!

Qaybtii hore 2-0 ayaa lagu kala nastay sidoo kalena markii la isku soo laabtay Man City ayaa in badan gacan sareesay balse uma suura galin inay xidigaha kooxdan goolal badan dhaliyaan inkastoo ay fursado fiican heleyn.

Ugu dambeyntii David Silva aya cayaarta ka dhigay 3-0 daqiiqadii 77-aad xidiga reer Spain ayaa caqligiisa adeegsaday sidoo kalena wuxuu kooxdiisa siiyay sedex dhibcood oo ay aad ugu baahneyd.

Weeraryahanka West Brom Berahino ayaa ku sigtay inuu gool dhaliyo balse qoriga hoose ee goosha City ayay kaga dhacday waxaana goolhaye Joe Hart u suura gashay in 100-kulan horyaalka England aan wax gool ah laga dhalin tan iyo markii uu bilaabay inuu Man City goosha u qabto!

City ayaa guusha ku qaadatay 3-0 waxayna kooxdan kusii dhawaatay naadiga Chelsea halka ay kasii fogaatay kooxaha aadka ugu dhow sida Arsenal, Man United iyo Liverpool.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>