Kubad burburiyaha kooxda Sporting Lisbon William Carvalho ayaa ka dhawaajiyay inuu maalin uun ka ciyaari doono mid ka mid ah labada horyaal ee uu aaminsan yahay iney ugu wanaagsan yahiin Yurub waa England iyo Spain, taasoo ka dhigan inuu farxad galiyay kooxaha Manchester United iyo Arsenal oo xidigaan mudo badan ku raad joogay.
22-jirkaan madow ee dalka Portugal ayaa maalmihii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga xagaagan uu ku jiray liiska kooxda Arsenal ay ka baadi goobeyso suuqa yurub, inkastoo uu xiligaas u sheegay inuu ku faraxsan yahay sii joogitaanka Portugal.
Sidoo kale Daily Star ayaa soo xigatay wareysi uu xidigaan siiyay mid ka mid ah warbaahinta Portugal, “Dhamaanteen waxaan leenahay hami, anigana waxaan rajeynaa inaan maalin uun ka ciyaaro horyaalada ugu wanaagsan yurub, England iyo Spain”
“Maahan iney sanadkaan noqon doonto, balse hadaan sii wado shaqadeyda, waxaan u imaan doonaa si dhaqso leh ama xili dambe midey noqotaba” ayuu yiri William.
Ugu dambeyntii William Carvalho waxaa lagu jabin karaa heshiiska uu kula jiro kooxdiisa Sporting Lisbon lacago dhan 37 Malyan Oo Pound.