Home » Maxaa Cusub » Wilshere Oo Bartilmaameed U Noqday Man City & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Sabti Ah

Wilshere Oo Bartilmaameed U Noqday Man City & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Sabti Ah


Suuqa

Ramadaan Kariim, Jimco wanaagsan dhamaan akhrisayaasha shabakadda Hiilkubad meel walba oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay mar kale Ramadaan Wanaagsan.

Waxaan jecalnahay inaan idiin dulmarno wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabhii xanta ahaa ee la qoray maanta oo SABTI ah.


Manchester City ayaa dalab 40 Malyan Oo Pound ah ka gubdineysa xidiga khadka dhexe Arsenal jack Wilshere, waase hadii ay ku fashilmaan helitaanka Paul Pogba. (Daily Star).

Macalinka Juventus Massimiliano Allegri ayaa ka dhawaajiyay in kooxda Bianco ay isku dayeyso iney Turin kusii celiso Paul Pogba isal markaana uusan jirin cadaadis ku saaran iney iibiyaan 22-jirkooda. (The Sun)

Di Maria oo 27-jir ah ayaa sanadii hore kusoo biiray Man United, balse xili ciyaareed fashilmay ayuu qaatay taasna waxaa sabab looga dhigay niyad jabkii koobka Aduunka. (Copa America Website)

Nicolas Otamendi ayaa doonaya inuu isaga tago kooxda Valencia waxaana lala xiriirinayaa Man United, balse xidigaan qudhisia ayaaba ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay taqaano halka uu doonayo. (Metro).

Liverpool ayaa dooneysa iney u dhaqaaqdo waqti dambe saxiixa Roberto Firmino isla markaana kula dagaalanto Man United waase hadii ay iibiso Sterling. (Daily Mirror).

Arsenal ayaa dalab 28.5 Malyan Oo Pound ah u gudbineysa Sporting Lisbon iyadoo ka dooneysa William Carvalho, sidoo kalana waxa suragal ah iney sare u qaado oo ay ku darto 8.5 Malyan Oo Pound si ay u dhameystiranto lacagaha heshiiskiisa lagu jabin karo. (The Sun).

Atletico Madrid waxey daneyneysaa Toby Alderweireld, balse Mourinho ayaa usoo jeediyay heshiis kala badalasho ah isagoo ku wareejinaya Felipa Luis, wuxuuna macalinkan reer Portugal ka sugi doonaa Atletico iney tixgeliso dooqiisa. (Telegraph)

Chelsea ayaa lala xiriirinayaa Antonine Griezmann, balse Paris Saint Germain ayaa dalab  £28.5 Malyan Oo Pound u dirtay walow heshiikiisa lagu jabin karo 43 Malyan Oo Pound. (Express).

Tottenham Hotspur ayaa kula soo biirtay loolanka Geoffrey Kondogbia xifaaltamayaashooda Arsenal ee waqooyiga London, xili sidoo kale 22-jirkaan reer France ay ku dagalamayaan saxiixiisa kooxaha reer Milan – Inter iyo Ac Milan. (Daily Mail.

 

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Wilshere Oo Bartilmaameed U Noqday Man City & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Sabti Ah

  1. Cabdi Nuur Reply

    20-June-2015 at 1:54 pm

    Firimino welcome Liverpool

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>