Daafaca kooxda West Ham United Winston Reid ayaa kalsooni ku qaba inuu ku biirayo kooxda Liverpool kadib markii uu iska diiday dalab kaga yimid kooxda Arsenal.
Reid ayaa sameeyay hormar wanaagsan xagaagan, wuxuuna ilaa haatan ka mid yahay daafacyada ugu wanaagsan horyaalka Premier League, mudo badan ayuuna bartilmaameed u ahaa kooxda waqooyiga London ka dhisan ee Arsenal, balse haatan wuxuu jecel yahay u dhaqaaqista Liverpool.
Warar ka imaanaya Ingiriiska ayaa sheegaya in xidigaan reer New Zealand uu dalabka Arsenal indhaha ka qarsaday isla markaana uu ku riyoonayo inuu ka hoos ciyaaro Branden Rodgers.
Ugu dambeyntii Liverpool daafacaan heerka caalami waxey ku heli kartaa qiimo dhan 15 Malyan taasoo ku qasbi karta in Branden Rodgers uu ka faa’ideysto jaceylka Reid.