Daafaca West Ham United Winston Reid ayaa u sheegay kooxdiisa inuu doonayo ku biiritaanka kooxda Arsenal xili uu dalab ka helay kooxda ka dhisan waqooyiga London sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka Ingiriiska.
Daafacaan heerka caalami ayaa si ba’an loola xiriirinayay kooxda Arsenal sidoo kalana waxaa xiiso u qabta kooxda Tottenham Hotspur, inkastoo xidigaan uu qandaraaskiisa dhacayo marka uu dhamaado xili ciyaaredkaan.
Mirror ayaa qirtay in daafacaan u dhashay dalka New Zealand uu diiday inuu qandaraas cusub u saxiixay kooxda ka dhisan Upton Park, waxaana sheekada ay sii hurtay markii xidigaan laga saaray kooxdii todobaadkaan la ciyaartay Hull City.
Si kastaba kooxda uu maamulaha u yahay Sam Allardyce ayaa xidigaan ku qiimeysay 8 Malyan Oo Pound, Arsene Wenger ayaana doonaya daafac adag oo heer caalami ah kaas oo xoojiya awooda daafac ee kooxda.
Ugu dambeyntii Winston Reid ayaa u saftay West Ham 23-kulan, dhamaan tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan, taasoo ka dhigan inuu mar walba xaadir ahaa.