Home » Horyaalada » Bundesliga » Arin Aan Caadi Ahay: Leverkusen Oo Daafaceeda Emir Spahic Iska Fasaxday Kadib Markii U Dagaal Sameeyay!

Arin Aan Caadi Ahay: Leverkusen Oo Daafaceeda Emir Spahic Iska Fasaxday Kadib Markii U Dagaal Sameeyay!


Spahic

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa si rasmi ah u sheegtay in daafaceeda waaya araga ah Emir Spahic ay iska fasaxday kadib markii uu dagaal la galay mid ka mid ah ilaalada garooka Bayerena ee kooxdan ku cayaarto.

Daafaca reer Bosnia ayaa dareenkiisa xakameyn waayay todobaadkii hore kulan Leverkusen rigoorayaal wareega 8-aad ee German Cup Bayern Munich ku reebtay.

Wuxuuna gacan ka hadal la galay mid ka mid ah ilaalada garoonka falkii uu Emir Spahic ku kacay waxaa duubtay Kaamerada qarsoon ee ku dhagan meel walbo oo garoonka ka mid ah.

Madaxa agaasinka sare ee Leverkusen Michael Schade ayaa arinkan xaqiijiyay wuxuu yiri “Falkii uu ku kacay Spahic ma ahan mid u wanaaagsan sumcada Leverkusen sidaa darteed go’aan kale oo ka wanaagsan ma jirin inaan heshiiskiisa bur burino”

34-jirkan ayaa raali galin ka bixiyay falkii uu ku kacay sidoo kalena wuxuu aqblay qandaraaskiisa la bur buriyay wuxuuna ku ekaa sanada 2016 balse waxaa loo sheegay inuu fasaxan yahay isagana wuu aqbalay.

Daafacan sanadii 2013 ayuu Bayer Leverkusen kusoo biiray balse si fool xun ayuu kooxdiisa kaga tagay madaama uu ku kacay fal aad u xun asigoo ah cayaaryahan Bundesligaha caan ka ah.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>