Home » Horyaalada » italian Serie A » AC Milan Oo Dooneyso Inay Gacanta Kusoo Dhigto Weeraryahanka Naadiga Aston Villa Christian Benteke

AC Milan Oo Dooneyso Inay Gacanta Kusoo Dhigto Weeraryahanka Naadiga Aston Villa Christian Benteke


Benteke

Kooxda AC Milan ayaa dooneyso inay xagaagan gacanta kusoo dhigto weeraryahanka naadiga Aston Villa Christian Benteke oo haatan dib usoo ceshtay qaab cayaareedkiisii aadka u wanaagsanaa.

24-jirkan ka tirsan xulka Belgium qandaraaska uu Villa kula joogo ayaa ku eg sanada 2017 balse AC Milan ayaa kalsooni ka muujisay inay xagaagan lasoo saxiixan karto madaama ay laacibkan kusoo jiidan karto mushaar wanaagsan waayo Milan ayaa maal galin heli doonto xagaagan.

Christian Benteke dhaawacyo joogto ah ayaa dhawaanahan dhibeen balse bilihii ugu dambeeyay awoodiisii uu daafacyada Premiership-ka ku maquunin jiray ayuu dib usoo ceshtay wuxuuna kulankiisii ugu dambeeyay sedexley ka dhaliyay naadiga QPR.

Christian Benteke sidoo kalena wuxuu dalab wanaagsan ka helay naadiga Wolfsburg ee ka dhisan dalka Jarmalka sidaa darteed kooxda Aston Villa ayaa lacago ka sareeyo 20-milyan oo pound iibkiisa ku heli karto marba hadii ay kooxo bdan saxiixiisa damac weyn kaga jiro.

Inkastoo Christian Benteke magaciisa suuqa Yurub lagu hadal haayo hadana macalinka Aston Villa Tim Sherwood ayaa sheegay in Benteke uu muhiim u yahay kooxdiisa sidoo kalena uusan marnaba fasixi doonin xagaagan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>