Home » Horyaalada » italian Serie A » AC Milan Oo Ku Guuleesatay Loolanka Carlos Bacca Sidoo Kalena Luiz Adriano Wada Hadalo La Bilaawday

AC Milan Oo Ku Guuleesatay Loolanka Carlos Bacca Sidoo Kalena Luiz Adriano Wada Hadalo La Bilaawday


Bacca

Sky Sport Italia ayaa xaqiijiyay in kooxda AC Milan ay ku guuleesatay loolanka loogu jiray saxiixa weeraryahanka reer Colombia Carlos Bacca.

Sky Sport Italia ayaa sheegay in Milan ay dhigeeda Sevilla kala heshiisay qiimaha Bacca wuxuuna xidigan garoonka San Serio ku imaan doonaa €30m waana qiimaha ay Sevilla xidigan madaxiisa horey u dul dhigtay.

Bacca ayaa imaan doono AC Milan si uu tijaabo caafimaad u maro maal maha nagu soo fool leh kadibna si rasmi ah ayuu heshiiskan u hirgali doonaa.

Dhanka kale Milan waxay haatan hormar wanaagsan ka sameesay soo xero galinta weeraryahanka reer Brazil Luis Adriano.

Xidigan tayada wanaagsan diyaaar ayuu u yahay inuu kooxdiisa Shakhtar isaga hayaamo wuxuuna diiday in heshiis cusub laga saxiixo.

Qandaraaska uu haatan Shakhtar Adriano kula joogo ku egyahay 31-ka bisha December ee dabyaaqada sanadkan waxaana sidoo kale saxiixiisa ku raad joogaan kooxaha AS Roma, Liverpool iyo Chelsea.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>