Home » Horyaalada » italian Serie A » Alvaro Morata Oo Si Rasmi Ah U Cadeeyay Halka Uu Mustaqbalkiisa Cayaareed Ahaan Doono

Alvaro Morata Oo Si Rasmi Ah U Cadeeyay Halka Uu Mustaqbalkiisa Cayaareed Ahaan Doono


morata-biggrin490epa

Weeraryahanka reer Spain ee xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday la yimid bandhiga cajiibka ah Alvaro Morata ayaa si rasmi ah kaga hadlay mustaqbalkiisa cayaareed.

Alvaro Morata ayaa la hadal haayay inuu dib ugu laaban doono kooxdiisii hore Real Madrid madaama macalin Rafeal Benitez uu maamulka Madrid ka codsaday in xidigan dib loogu soo celiyo garoonka Bernabue.

Balse Alvaro Morata ayaa sheegay in Juve uu lasii joogi doono sidoo kalena kooxda reer Talyaani ay abaal weyn ku leedahay.

Wuxuuna yiri “Xili cayaareedkan wuxuu ii ahaa mid muhiim ah madaama aan sameeyay hormar balaaran sidoo kalena aan kooxdeyda koobab muhiim ah kula guuleestay”

“Waan ku faraxsanahay inaan xagaagii hore kooxda badashay sidoo kalena Juve abaal weyn ayay igu leedahay waayo go’aan halis ah ayay qaadatay sidoo kalena qamaar ayay gashay madaama aan ahay xidig dhalin yar”

“Aadban ugu faraxsanahay ka mid ahaan shaha Juventus mana jirto sabab aan kaga tagayo xiligan weliba inta ii qabteen ka badan inaan u qabto ayaan diyaar u ahay”

Alvaro Morata xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday wuxuu Juventus kula guuleestay Serie A-da iyo Copa Italia sidoo kalena 15-gool ayuu u dhaliyay asigoo u saftay 45-kulan dhamaan tartamada kala duwan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>