Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo An Ka Harin Peter Cech & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Axad Ah

Arsenal Oo An Ka Harin Peter Cech & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Axad Ah


Suuqa

Waxaan jecelnahay inaan idiin soo koobno wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo axad ah ugu waaweynaa, ogowna in wali uusan furneen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda balse koox walba waxey kusii jirtaa diyaar garow adag.

Dhamaan wararkaan waxaan u xaglinay meelaha aan kasoo xiganay, masuulna kama noqon doono jiritaanka iyo xaqiiqda warkaan.


Macalinka cusub ee Newcastle United Steve McClearen ayaa dalbaday in loosoo gacan galiyo weeraryahanka West Bromwich Albion Saido Berahino. (Daily Star)

Man United ayaa kusii dhawaaneysa helitaanka goolhayaha Ajax Amsterdam  Jasper Cillessen si uu badal ugu noqdo David De Gea, waana talada macalinka goolhayeyaasha Man United  Frans Hoek. (Mirror)

Arsenal ayaa dagaal culus la gali doonta kooxda Paris Siant Germain iyadoo kula dagaalameysa saxiixa goolhayaha halyeyga ah ee Chelsea Peter Cech. (Mirror)

Arsenal ayaa dooneysa sidoo kale iney xoojiso khadka dhexe burburiyaha waxeyna diirada saarayaan Lars Bender oo ka tirsan kooxda Bayern Leverkusen. (Sun)

Raheem Sterling ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Manchester City, si uu xagaaga dambe kooxdaan ugu cawiyo iney u dagaalaan hanashada horyaalka. (People)

Chelsea ayaa qarka u saaran iney lasoo saxiixato Radamel Falcao, waana amaah hal xili ciyaared ah, 90% waa lasoo dhameeyay arina xidigaan. (Telegraph)

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>