Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Kusoo Biirtay Liiska Kooxaha Doonaya Xidiga Khadka Dhexe Monaco Geoffrey Kondogbia

Arsenal Oo Kusoo Biirtay Liiska Kooxaha Doonaya Xidiga Khadka Dhexe Monaco Geoffrey Kondogbia


Geoffrey Kondogbia

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa iney kusoo biirtay liiska kooxaha doonaya mashiinka dhexe ee kooxda As Monaco Geoffrey Kondogbia.

22-jirkaan heerka caalami ayaa kusoo baxay wiil aad loogu amaanay khadka dhexe, wuxuuna qeyb ka noqday wiilashii Monaco ee koobka Champions League ka reebay Arsenal wareegii 16-ka ee tartankaan.

Arseanl waxaa ku wehliya xiisaha Geoffrey Kondogbia kooxaha reer Spain ee Real Madrid, Atletico Madrid iyo Valencia.

Arsene Wenger ayaa doonaya inuu xoojiyo khadka dhexe kooxdiisa xagaaga soo aadan inkastoo uuba haatan usoo baxay wiil aad loo amaanay oo la yiraahdo Francis Coquelin.

Sida ay qortay jariiradda L’Equipe xidigaan heerka caalami waxaa lagu qiimeeyaa 20 Malyan Oo Pound waana qiimo miisaan leh.

Ugu dambeyntii Monaco waxey xidigaan sanadii 2013 kasoo iibsatay naadiga Sevilla ee dalka Spain wuxuuna faransiiska ku yimid aduun dhan 17 Malyan Oo Pound.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>