Daafaca dhalinta yar Aymeric Laporte ee ka tirsan naadiga Athletico Bilbao kooxda Barcelona sanadihii ugu dambeeyay ayay xaaladiisa u kuur galeesay madaama uu hormad wanaagsan sameenayay.
Haatan warbixin laga helay gudaha garoonka Camp Nou ayaa lagu sheegay in Barcelona ay xagaagan bixin doonto qiimaha lagu jebin karo qandaraaska 20-jirkan tayada wanaagsan.
Weliba warbixintan ayaa lagu sheegay hadi gudoomiyenimada Barcelona uu ku guuleesto Juan Laporte in xidigan uu noqon doono saxiixa ugu horeeyo ee uu masuulkan sameyn doono.
Kooxda Atheltico Bilbao ayaa xidigan ku madaxiisa dul dhigtay qiimo lacageed oo u dhaxeeyo €30 ilaa €36 million wuxuuna xidigan u cayaaraa xulka France ee da’dooda ka hooseyso 21-sano.
Inkastoo Barcelona suuqa Yurub ka ganaaxan tahay hadana waxay dooneysaa inay xagaagan lacagahan ku wareejiso naadiga Bilbao kadibna horaanta sanadka cusub ay si toos ah ula so wareegto.
Waxaa la sheegay in Juan Laporte oo musharax u ah hogaanka Barcelona inuu saaxiib dhow la yahay wakiilka daafacan dhalinta yar Jorge Mendes waxayna ka wada heshiiyeen in Aymeric Laporte uu saxiixo heshiis 5-sano ah asigoo sanad walbo qaadan doono €3.5 million.