Home » Latin America » BelN Sports Oo Daaha Ka Qaaday In Lionel Messi Uu Iska Diiday Abaalmarinta Xidiga Ugu Fiican Copa America

BelN Sports Oo Daaha Ka Qaaday In Lionel Messi Uu Iska Diiday Abaalmarinta Xidiga Ugu Fiican Copa America


messi

Kabtanka Argentina Lionel Messi ayaa iska diiday fursad uu ku badin lahaa abaalmarinada u xareysan wuxuuna iska diiday inuu qaato abaalmarinta xidiga ugu fiican Copa America sida ay qortay BelN Sport.

Xidigaan reer Argentina ayaa xili hore iska diiday abaalmarinta xidigii ugu fiicnaa kulankii ay Argentina barbaraha la gashay Paraguay kulan ka tirsan wareega groupyada tartanka, wuxuuna doorbiday in abaalmarinta la siiyo shaqsi kale.

Sidoo kale xidigaan ayey shaashadaha qabteen iyadoo caruur yar yar oo taageera Chile ay samar siinayaan kadib kulankii finalka ee Argentina rigoorayaasha looga qaaday Copa America kulan ka dhacay Nacitonal.

Sida warbixinta lagu sheegay koobkii loogu tala galay in la gudoonsiiyo Lionel Messi waa laga qaaday masraxa madama uu xidiga diiday inuu gudoomo, waxaana sanadii hore ku guuleystay Luis Suarez oo xulkiisa koobkaan u gacan galiyay.

Messi ayaa afar ka mid ah lixdii kulan ee ay Argentina ciyaartay loo magacaabay xidigii ugu fiicnaa ciyaarta, waxaana xusid mudan in sanadii hore finalkii koobka Aduunka uu gudoomay abaalmarinta xidigii ugu fiicnaa tartanka markii ay Jarmalka qasaaro kala kulmeen Finalka.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>