Home » Horyaalada » La Liga Spain » Bilyaneerka Reer Singapore Peter Lim Oo Iibsaday Xuquuqda Muuqaalada Cristiano Ronaldo

Bilyaneerka Reer Singapore Peter Lim Oo Iibsaday Xuquuqda Muuqaalada Cristiano Ronaldo


Ronaldo

Cristiano Ronaldo ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday xuquuqda muuqaalada sawiradiisa kala duwan inuu ka iibiyay bilyaneerka reer Singapore Peter Lim.

Peter Lim waa milkiilaha iska leh naadiga Valencia wuxuuna ku guuleestay inuu gacanta ku dhigto muuqaalada sawirada kala duwan ee Cristiano Ronaldo.

Ronaldo ayaa Website-kiisa gaarka ah ku sheegay in tilaabada uu qaaday ay tahay mid qorshe dheer ku hoos duugan sidoo kalena uu doonayo awooda suuqiisa inuu qaarada Asia ku baahiyo.

Ronaldo oo arinkan xaqiijinaayo wuxuu yiri “Aadbaan ugu faraxsanahay inaan shaaca ka qaado heshiiska aan la gaaray shirkada Mint Media ee uu iska leeyahay saaxiibkeyga ganacsadaha ah Peter Lim”

“Xuquuqda muuqaalada sawiradeyda kala duwan Peter Lim ayaan ka iibiyay waxaana ula dan leeyahay inaan awooda suuqeyga ku baahiyo qaarada Asia”

Waxaa naga xasuusin ah in Peter Lim oo iska leh milkiyada naadiga Valencia inay saaxiibo dhow yihiin Jorge Mendes oo ah wakiilka Cristiano Ronaldo.

Ronaldo wuxuu adeegsadaa siyaasad kala duwan ee uu lacago badan ku kasbado wuxuuna sanadii 2013 kooxdiisa Real Madrid la gaaray heshiis ah 50% daqliga Madrid kasoo galo adeegsiga muuqaalada sawirada Cristiano Ronaldo in isaga la siiyo waana heshiis uu lacago badan ku kasbado xidigan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>