Weeraryahanka Juventus sida ugu weyn ugu tiirsan tahay Carlos Tevez dhaawac dhanka muruqa ah ayaa soo gaaray waxaana siweyn loo hada hayay inuusan cayaari karin kulanka todobaadka dambe Juve la cayaari doonto naadiga Monaco tartanka Champion-ka.
Balse warbixin cusub oo kasoo baxday xarunta Juventus ayaa lagu sheegay in Carlos Tevez uusan safan karo kulanka Monaco wareega 8-aad ee Champion-ka madaama jugta uu muruqa ka qabo ahayn mid aad u daran.
Sidoo kale rajo wanaagsan ayaa laga qabaa in weeraryahankan uu safto kulanka Juve la cayaari doonto Juventus naadiga Parma horyaalka Talyaaniga ka hor kulanka Monaco.
Wargeska Tuttosport ayaa sheegay inay fariin ka heleen macalin Maxi Allegri oo u xaqiijiyay in Tevez uu caafimaad qabo sidoo kalena la filaayo maal maha nagu soo fool leh inuu tababarka dib ugu soo laabto kadib markii nasiino loo qoray.
31-jirkan ayaa xili cayaareedkan kusoo baxay laacibka ugu muhiimsan Juventus wuxuuna u dhaliyay goolal badan sidoo kalena inay Juve soo gaarto wareega 8-aad ee koobka horyaalada Yurub isaga ayaa sabab u ah.