Home » Maxaa Cusub » “Casaankii La Siiyay Angel Di Maria Ayaa Badbaadiyay Xili Ciyaareedka Man United” Paul Scholes Ayaa Aaminsan

“Casaankii La Siiyay Angel Di Maria Ayaa Badbaadiyay Xili Ciyaareedka Man United” Paul Scholes Ayaa Aaminsan


Di Maria red card

Halyeeygii hore kooxda Manchester United Paul Scholes ayaa aaminsan in casaankii uu garsoore  Michael Oliver u taagay Angel Di Maria kulanki FA Cuipka Ee Arsenal ay badbaadisay xili ciyaareedka kooxda Man United.

Wiilka ugu qaalisan ebid ay soo iibsato koox ka dhisan dalweynaha Britain ayaa casaan qaata kulan ay kooxdiisa ka horjeeday Arsenal Quater Finalka koobka FA Cupka markii uu jiiday funaanada garsoore  Michael Oliver xili xidigaan jaale la siiyay markii uu isku tuuray afka hore xerada ganaaxa Arsenal.

Casaankaas wuxuu sababay in Di Maria uu seego kulankii ay Man united dib u heshay qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay oo ay 3-1 ku garaacday Tottenham waana kulanka uu helay shaxdiisa ugu fiican Louis Van Gaal, waxeyna kooxda kadib gaartay sadex guulood oo ay ka heshay Liverpool, Aston Villa iyo Man City mana uusan kusoo bilaaban Di Maria midkoodna.

“Markaan dib u eegno furaha isbadalka ah ee dhacay, waxaan dareemayaa in casaankii Di Maria ay Van Gaal ku qasabtay inuu kooxda dib u dhiso”

Sidoo kale Scholes ayaa aaminsan iney garoonka isku heleen xidigo aan isla ciyaarin kuwaas oo Di Maria dartisi kursiga keydka ugu jiray waxaana ka mid ah bahwadaaga Herrera iyo Mata kuwaas oo aan kooxda mudo u wada ciyaarin.

Scholes ayaa guul u rajeynaya kooxda Man United kulanka ay sabtida la yeelaneyso Chelsea waana mid xasaasi ah wuxuuna aaminsan yahay in Young, Fellaini iyo Mata ay qeyb ka qaateen hamiga kooxda ay haatanba ka leedahay iney si fiican ugu soo baxdo Champions League.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>