Home » Horyaalada » La Liga Spain » “Casillas Wuxuu U Qalmay Inuu U Cayaaro Naadi Barcelona Oo Kale Ah!” Sidaas Waxaa Dhaheen Waalidka Goolhaye Casillas

“Casillas Wuxuu U Qalmay Inuu U Cayaaro Naadi Barcelona Oo Kale Ah!” Sidaas Waxaa Dhaheen Waalidka Goolhaye Casillas


casillas

Iker Casillas asigoo ilmeenayo ayuu kooxdiisa Real Madrid isaga tagay sidoo kalena shirkii jaraa’id ee uu Madrid ku macsalaameeyay ma jirin qof maamulka kooxdan ka tirsan oo kala qayb qaatay.

Hadaba 34-jirkan wuxuu heshiis labo sano ah la gaaray kooxda FC Porto oo dooneyso inay soo dhaweyn wanaagsna u fidiso.

Bixitaanka Casillas waxaa ka hadleen waalidkiisa oo eeda dusha kaga tureen gudoomiyaha Real Madrid Florentino Perez.

María del Carmen Fernández oo ah Casillas hooyadiis waxay tiri “5-sano ee ugu dambeesay wiilkeyga cadaadis uusan xamili karin ayaa lagu haayay”

“Calderon markii uu gudoomiyaha ahaa wiilkeyga dhibaato ma qabin laakiin Perez ayaa six un u badilay sidoo kalena taageerayaasha Madrid tusay in Iker uu yahay qof xun”

“Casillas wuxuu u qalmay inuu u cayaaro koox Barcelona oo kale ah waayo si wanaagsan ayay u sharfi lahaayeen wuxuuna cayaarihiisa ku dhameesan lahaa Barcelona asigoo faraxsan!”

María del Carmen Fernández kuma faraxsano in wiilkeeda uu naadiga FC Porto ku biiray waxayna tiri “Ku biiritaanka Iker ee Porto waa sida asigoo koox heerka labaad aaday”

“Wuxuu u qalmaa inuu u cayaaro koox Barcelona oo kale ah kuna guuleesan karto koobab caalami ah sanad walbo”

“Waa arin ceeb ah laacib koob aduunka ku guuleestay inuu FC Porto cayaarihiisa kusoo qatimo!!!”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to “Casillas Wuxuu U Qalmay Inuu U Cayaaro Naadi Barcelona Oo Kale Ah!” Sidaas Waxaa Dhaheen Waalidka Goolhaye Casillas

  1. abdbare Reply

    13-July-2015 at 4:23 am

    Real.naadi.maaha..waadi xun oobilaa.abalaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>