Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Diyaar U Ah Inay Man City Kaga Awood Roonaato Saxiixa Raheem Sterling

Chelsea Oo Diyaar U Ah Inay Man City Kaga Awood Roonaato Saxiixa Raheem Sterling


Kooxda Chelsea ayaa haatan u haqabatay loolanka loogu jiro saxiixa Raheem Sterling waxayna ka awood roonaan rabtaa saxiixa xidigan dhalinta yar naadiga Man City.

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Chelsea ay haatan isku diyaarineyso inay dalab £42m u gudbiso Liverpool waxayna ku kalsoon tahay Blues in dalabkan xasaasiga ah laga aqbali doono.

20-jirkan tayada wanaagsna go’aankiisa waa mid cad mana doonayo inuu Anfield baaqi kusii ahaado sidoo kalena kooxdiisa Liverpool arinkaas ayay la qabtaa waxayna ku dooneysaa madaxiisa inay lacago heer sare ah ku hesho.

Kooxda Man City dalab £40m ayaa laga diiday wixii markaas ka dambeeyay dalab cusub ma aysan usoo gudbinin Liverpool waana sababta keentay in Liverpool ay dhanka Chelsea u weecato.

Liverpool waxay si rasmi ah u sheegtay inay £50m kaga samri karto Sterling balse maamulka kooxdan haatan waxay garwaaqsadeen inuu waqti badan kasii lumaayo.

Sidaa darteed waxaa la sadaalinaa inay aqbali doonto dalabka £42m ee Chelsea kaga imaan doono maal maha nagu soo fool leh.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>