Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Hogaanka U Qabatay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Arda Turan Iyo Qiimaha Ay Ku Qaadan Rabto

Chelsea Oo Hogaanka U Qabatay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Arda Turan Iyo Qiimaha Ay Ku Qaadan Rabto


Arda Turan

Inkastoo wakiilka Arda Turan uu sheegay inay wada hadalo la yeesheen kooxda Man United hadana Talkport ayaa shaaca ka qaaday in kubada sameeyahan uu haatan kusii dhawaanayo ku biiritaanka naadiga Chelsea.

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Chelsea ay haatan wada hadalo wanaagsan la leedahay kooxda Atletico Madrid sidoo kalena ay Arda Turan ku qaadan doonto £29.2m maal maha nagu soo fool leh.

Sidoo kale The Metro ayaa sheegay in Chelsea ay Atletico Madrid fursad kale hordhigtay taasi oo ah in Juan Cuadrado iyo lacago dheeraad ah la siiyo.

Kooxda reer Spain ayaa kala dooran doonto labada dalab ee dhanka Chelsea kaga yimid kadibna waxay u ogolaan doontaa Arda Turan inuu u dhaqaaqo garoonka Stamford Bridge.

28-jirkan xili cayaareedkii dhawaa wuxuu kooxdiisa Atletico u saftay 46-kulan dhamaan tartamada kala duwan asigoo dhaliyay 4-gool sidoo kalena 6-kubadood ayuu dhiibay.

Balse dhawaan ayuu maamulka Atletico ku wargaliyay in la iska fasaxo madaama uu doonayo inuu isbadal sameeyo kana cayaaro Premiership-ka England oo uu si gaar ah u xiiseenayo.

Wakiilka xidigan Ahmet Bulut ayaa sheegay afarta maalmood ee nagu soo fool leh inuu Arda naadi cusub ku biiri doono waxayna saxaafada England hadal heysaa kooxaha Man United ama Chelsea midkood inuu si rasmi ah kaga mid noqon doono.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>