Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Isku Diyaarineyso Inay Si Lama Filaan Ah Kula Soo Saxiixato Daafaca Real Madrid Pepe

Chelsea Oo Isku Diyaarineyso Inay Si Lama Filaan Ah Kula Soo Saxiixato Daafaca Real Madrid Pepe


Spanish Primera Division 2014/15 Real Madrid v Getafe Santiago Bernabéu Stadium, Madrid, Spain - 24 May 2015

Wargeska The Express ayaa sheegay in Chelsea ay maal maha nagu soo fool leh dhigeeda Real Madrid fariin u diri doonto si ay kala hadasho qaabkii xagaagan looga iibin lahaa Pepe.

32-jirkan ka tirsan xulka Portugal kana mid ah daafacyada caalamka ugu wanaagsan qandaraaska uu Madrid kula joogo waxaa uga harsan mudo 12-bilood ah ilaa haatana kooxdiisa qorshe qandaraas kordhin ah uma soo bandhigin.

Sidaa darteed The Express ayaa sheegay in Blues ay ku kalsoon tahay dalab £10.5m ay dhigeeda Real Madrid ka aqbali doonto marba hadii Pepe qandaraaskiisa sii dhamaanayo.

Inkastoo ay Chelsea heesato xidigo daafaca dhexe ku wanaagsan sida John Terry, Garry Cahil iyo Zouma hadana macalin Mourinho wuxuu doonayaa inuu markale dib ula midoobo Pepe oo ay Real Madrid wada joogi jireen.

Sidoo kale daafacan waaya araga ah kooxda Man City ayaa dabagal xoogan ku heyso balse Pepe haatan fasaxa xagaaga ayuu ku maqan yahay diyaarna uma ahan inuu naadi kale wada hadalo la furo.

Hadii uu bisha July ku guul dareesto inuu Real Madrid heshiis cusub la gaaro markaas waxaa la sadaalinaa in xidigan uu diyaar u noqon doono ka hayaamista garoonka Bernabue.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>