Home » Maxaa Cusub » Chelsea Oo Ka Cabsi Qabto In Xagaagan Xidigeeda Hazard Real Madrid Ka Afduubato

Chelsea Oo Ka Cabsi Qabto In Xagaagan Xidigeeda Hazard Real Madrid Ka Afduubato


Hazard

Kubad sameeyaha reer Belgium Eden Hazard haatana ah xidiga ugu wanaagsan Premiership-ka England ayaa markale magaciisa suuqa Yurub kusoo laabtay madaama lala xariirinaayo kooxda Real Madrid.

Kooxda Chelsea ayaa walaac xoogan qabto waxayna ka cabsi qabtaa in xagaagan uu Hazard u dhaqaaqo garoonka Bernabue.

Wargeska AS ayaa sheegay in maamulk Real Madrid ay xagaagan ahmiyad gaar ah siin doonto saxiixa Hazard waxayna dooneysaa kooxdan inay galiso booska Grathe Bale oo isagana mustaqbalkiisa laga deyrinaayo.

Wararkan waxaa sii shiday Zinedine Zidane oo ka dhawaajiyay inuu Hazard taageero u yahay sidoo kalena uu aad ugu raaxeesto kubadiisa wuxuuna Zidane yiri.

“Inta badan dadka waxay ku mashquulaan qiimeyna Messi iyo Ronaldo balse aniga waxaan aad ugu raaxeestaa kubada uu cayaaro Hazard”

“Waxaana jeclaan lahaa inuu Real Madrid imaado madaama uu yahay xidig ku haboon qaab cayaareedka aan cayaarno”

Warar dheeraad ah ayaa sheegayo in kooxda Chelsea ay balan qaad ka heesato Hazard oo ah inuu mustaqbalka dheer sii joogo Stamford Bridge balse waa macquul inuu qorshihiisa badalo madaama aysan xidigaha aduunka inta badan dalabka Real Madrid diidi Karin.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>