Agaasimaha dhanka farsamada ee kooxda Chelsea Michael Emenalo ayaa ka qeyb galay kulan ciyaaredkii ay kooxda Atletico Madrid barbaraha la gashay dhigeeda Malaga kulan ka tirsan horyaalka La Liga.
Jose Mourinho ayaa raadinaya daafac dhexe oo badal u noqda John Terry iyo Cahill midkood kuwaas oo aan isla ciyaaridooda la cajabsanin kulamadii ugu dambeeyay.
30-jirkaan reer Brazil ayaa si ba’an loola xiriirinayay Chelsea mudooyinkii lasoo dhaafay Michael Emenalo ayaana daawasho u tagay kulankii ay 2-2 la galeen Malaga si uu qaab ciyaareedka xidigaan u qiimeeyo.
Miranda heshiiska uu kula jiro kooxda Atletico Madrid waxaa kaga haray hal sanadood oo qura, balse Diego Simeone ayaa doonaya in xidigiisa uu heshiis cusub ka saxiixo.
Xiriirka dhex yaala kooxaha Atletico iyo Chelsea ayaa ah mid wanaagsan madama xili ciyaareedkaan bilowgiisii ay kasoo iibsatay Diego Costa iyo Felipe Luis.