Home » Maxaa Cusub » Daily Star: Liverpool Oo Soo Bandhigtay Lacagaha Ay Ku Dooneyso Andriy Yarmolenko

Daily Star: Liverpool Oo Soo Bandhigtay Lacagaha Ay Ku Dooneyso Andriy Yarmolenko


kkkkkkkkkkkkkk

Kooxda Liverpool ayaa ku warantay iney dooneyso saxiixa weeraryahanka kooxda Dynamo Kiev [Andriy Yarmolenko] kaas oo kooxdiisa ka caawiyay iney si arxan daro ah Europa League uga reebto kooxda Everton ee gobol xifaaltanka la ah Liverpool.

Xidigaan reer Ukraine ayaa bilaabay bandhig shan gool ah oo ay kooxdiisa Dynamo Kiev ku xaaqday dhigeeda Everton lugta labaad wareega 16-ka koobka Europa League.

Sida ay qirtay Daily Star, Liverpool ayaa dooneysa xidig ay ku xoojiso weerarkeeda waxeyna shaaca ka qaaday iney miiska u saari doonto Dynamo Kiev 19.5 Malyan Oo Pound.

25-jirkaan heerka caalami ayaa lala doonayaa inuu buuxiyo booska uu baneyn doono Raheem Sterling oo ka dhaga adeegaya inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxdiisa.’

Si Kastaba Liverpool waxey tartan xoog leh kala kulmi doontaa kooxaha Manchester United iyo Chelsea oo si gooni ah isha ugu haya.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Daily Star: Liverpool Oo Soo Bandhigtay Lacagaha Ay Ku Dooneyso Andriy Yarmolenko

  1. saleebaankaafi:liverpool Reply

    25-March-2015 at 9:03 pm

    Welcom to liverpool waa u baahanahay xidig werarka xoojiya ynwa.liverpool

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>