Daafaca reer Holland Daley Blind ayaa bilaabay inuu dagaal dhanka maskaxda ah ku qaado koxaha ay Man Unitex xifaaltamaan wuxuuna xidigan ka dhawaajiyay in xili cayaareedka Man United koobabka muhiimka ah mid ka mid ah qaadi doonto.
Macalin Luis Van Gaal iyo kooxdiisa Man United xili cayaareedkan koob la’aan ayay ku dhameesteen sidoo kalena xili cayaareedkii hore United wax koob ah ma qaadin.
Sidaa darteed Daley Blind ayaa sheegay in sanadka dambe ay qasab tahay in garoonka Old Trafford koob muhiim ah la keeno.
“Waa qasab inaa xili cayaareedka dambe koob ku guuleesano waayo ma ahan wax la aqbali karo inMan United ay sanadkii sedexaad oo xariir ah koob la’aan baxdo”
“Dabcan hadafkeena ugu weyn xili cayaareedka wuxuu noqon doonaa inaan horyaalka ku guuleesano mana ahan arin aan qarsaneyno”
Daley Blind ayaa ku faraxsan inuu kubada Premiership-ka England la qabsaday sidoo kalena wuxuu doonayo inuu sanado badan Man United baaqi kusii ahaado.