Home » Maxaa Cusub » Dood Furan: Coutinho Maka Wanaagsan Yahay Hazard Kadib Soo Shaacbixidiisa Lala Yaaban Yahay

Dood Furan: Coutinho Maka Wanaagsan Yahay Hazard Kadib Soo Shaacbixidiisa Lala Yaaban Yahay


Coutinho

Kooxda Liverpool Iyo Philippe Coutinho xaaldkooda xili cayaareedkan labo arin ayaa lagu soo koobi karaa 5-bilood oo jah wareer ah iyo 3-bilood oo dhinacooda dhulka la dhig la’yahay.

Hadaba Philippe Coutinho ayaa kusoo baxay hogaamiyaha Liverpool dabcan kulamadii ugu dambeeyay wuxuu samaayey bandhig cajiib ah taasi oo abuurtay dood ku aadan inuu u qalmo laacibka EPL loo doorto.

Hadaba dood midaas kasii weyn ayaa soo baxday madaama haatan afka lagu haayo inuu Coutinho ka wanaagsan yay Eden Hazard iyo ragga EPL iska maamulan jireen sida David Silva iyo Santi Cazorla.

Hadab si doodaan ay maangal  noqoto Goal.com ayaa soo bandhigay warbixin kooban oo uu Coutinho kula bar bar dhigaayo ragga ku booska ah kuwaas oo EPL ka dhex muuqdaan xili cayaareedkan.

Hadaba Hazard ayaa ilaa haatan ah laacibka fursadaha ugu badan ee gool laga dhalin karo sameeyay wuxuuna abuuray 24-fursadood oo gool loo filan karo.

Sidoo kale Coutinho isagana 16-kubadood ayuu abuuray oo gool filan karay halka David Silva uu isagana la mid yahya Coutinoho madaama uu 16-kubadood sameeyay.

Kubad sameeyaha reer Denmark Christian Eriksen isagana 16-kubadood ayuu abuuray wuxuuna kusoo baxay hogaamiyaha kowaad ee kooxda Tottenham.

Santi Cazorla isagana kooxdiisa Arsenal 11-kubadood ayuu u abuuray gool loo filan karo taasi oo muujineyso inuu xili cayaareedkan gaabiyay.

Coutinho xili cayaareedkan wuxuu sare u qaaday dhalintiisa haatana 4-gool ayuu leeyahay waxaana xusid mudan in waligiis hal xili cayaareedkan uusan 5-gool xitaa dhalinin!

Coutinho weli waa xidig dhalin yar madaama uu 22-sano jiro hadaba masii wadi doonaa bandhigan aada u sareeyo si loogu caleemo saaro laacibka EPL ugu wanaagsna xili cayaareedkan!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

5 Responses to Dood Furan: Coutinho Maka Wanaagsan Yahay Hazard Kadib Soo Shaacbixidiisa Lala Yaaban Yahay

  1. CaNo GeL Ynwa Reply

    4-March-2015 at 8:29 pm

    haaaa wuu ka wanagsan yahay maxa yelay lfc wax badan aya ku so kordhiyay sanadkan dhexdiisa
    Viva reds and Coutinho

  2. zaak Reply

    4-March-2015 at 9:08 pm

    Maya ma qabo inu u dhawyhay xita anga liverpol tageraa lkn hazard ma gaaro wali

  3. Sharma Reply

    4-March-2015 at 10:56 pm

    Warkan mawashay war hazard waa laacibka 3 ee aduunka waqtigaan marka ilmaha hala bar bardhigin

  4. Tayo Arda Reply

    5-March-2015 at 1:10 am

    Coutinho Waa uu ka wanaagsan yahay
    Hazard waana uu ka skills badanyahay
    Dhinac walba coutinho Waa uu kaga
    Fiicanahay waayo hazard Waa player ay
    Saxaafadu buunbuuniso waxna lama joogo
    Super phillipe coutinho is better than hazard

  5. Deeq love chelsea Reply

    5-March-2015 at 11:28 am

    Wlhi taas waa mid lagu qoslo taas hazard waaa laacib laacib dhafay aniga ma qabo taas in xataa lesla bar bar dhigo coutinho and Hazard hazard haduu laacib ehen maxaa logu galaa qaladaadka farahabadan waa na nin ugu badan ee qalad lagu galo dhamaan horyaalada yurub wana midka ugu badan ee calamada digninta lagu qaato waxuuna kasareyaa Messi and CR7 marka ma umaleynayo in uu jiro xidig lala bar bar dhigo Hazard

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>