Kooxda Fc Porto ee dalka Portugal ayaa xaqiijisay in dhigeeda Atletico Madrid ay bixineyso lacagaha lagu jabin karo heshiiska jackson Martinez taasoo dhan 35 Malyan Oo Pound si xidigaan uu ugu wareego kooxda ka dhisan Vincent Calderon.
Xidiga qudhiisa ayaa maalmihii lasoo dhaafay xaqiijiyay inuu u dhaqaaqayo dalka Spain gaar ahaan kooxda Atletico Madrid, balse xidigaan reer Colombia wuxuu iska diiday fursad uu ugu biiri karay kooxda Ac Milan ee dalka talyaaniga.
Atletico Madrid ayaa bixin doonta lacag dhan 32 Malyan Oo Pound iyo 3 Malyan oo guno ah wuxuuna xidigaan saxiixi doonaa heshiis afar sano ah.
Weeraryahankaan reer Colombia ee dhaliyay 92-da gool 136-kulan noo uu Porto ka tirsanaa ayaa badal u noqon doona Mario Mandzukic oo goor hore ku biiray Juventus.
Dhanka kalana wuxuu noqon doonaa Jackson Martinez weeraryahankii ugu horeeyay ee u dhasha Colombia ee xirta maaliyada Atletico kadib Radamel Falcao oo sanadii 2013 ka tagay kooxda.