Home » Maxaa Cusub » Giroud Iyo Wenger Oo Ku Kala Guuleesteen Cayaaryahanka Iyo Macalinka Ugu Wanaagsan EPL Bishii Maarso

Giroud Iyo Wenger Oo Ku Kala Guuleesteen Cayaaryahanka Iyo Macalinka Ugu Wanaagsan EPL Bishii Maarso


epl arsenal

Macalinka ugu wanaagsan Premierhip-ka England bixii Maarso ee aan kasoo gudubnay waxaa ku guuleestay Arsene Wenger halka xidiga ugu wanaagsan EPL isla bishaas uu isagana qaatay Oliveir Giroud oo Arsenal weerarka kaga cayaaro.

Giroud ayaa abaal marintan ku muteestay kadib markii uu bishii Maarso dhaliyay 5-gool asigoo kooxdiisa u saftay 4-kulan sidoo kalena Wenger waxaa lagu siiyay inuu Arsenal 4-guul oo xariir ah bishii hore gaarsiiyay.

Giroud ayaa abaal marintan ku helay madaa uu 5-gool dhaliyay hal goolna baasay wuxuuna ku gaaray abaal marinta bisha Harry Kane oo dhigay iskoor cusub madaama uu 3-bilood oo xariir ah ku guuleesan rabay.

Waa markii ugu horeesay ee uu Giroud abaal marinta bilaha EPL ku guuleesto sidoo kalena waa xidigii ugu horeeyay ee Arsenal ka tirsan kaasi oo abaal marintan ku guuleesto tan iyo Setember 2013 xili uu markaas Aaron Ramsey qaatay laacibka bisha.

Wenger oo 65-jir ah abaal marintan daris ayuu la yahay wuxuuna horey ugu guuleestay 10-jeer oo kala duwan balse markaan tan iyo September 2013 haatan ayaa ugu horeesay inuu abaal marintan gacanta ku dhigo.

Waxaan leenahay Giroud iyo macaliniisa Wenger hambalyo madaama ay dadaalkooda ku muteesteen abaal marinta bilaha EPL.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Giroud Iyo Wenger Oo Ku Kala Guuleesteen Cayaaryahanka Iyo Macalinka Ugu Wanaagsan EPL Bishii Maarso

  1. mohamed nuur Reply

    3-April-2015 at 10:46 am

    hambalyo giroud iyo wenger koley aniga giroud waan u codeeye waana iga mudanyqhay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>