Home » Horyaalada » La Liga Spain » Goolhayaha Barcelona Ter Stegen Oo Iska Fogeeyay In Lala Garab Dhigo Manuel Neuer

Goolhayaha Barcelona Ter Stegen Oo Iska Fogeeyay In Lala Garab Dhigo Manuel Neuer


26BB311800000578-0-Marc_Andre_ter_Stegen_who_has_played_all_of_Barca_s_Champions_Le-a-22_1426596861239

Marc-Andre ter Stegen si wanaagsan ayuu kooxdiisa Barcelona xili cayaareedkan ula qasbaday sidoo kalena goolhayahan dhalinta yar koobka horyaalada Yurub ayuu wacdaro ka dhigay taasi oo keentay in waxqabadkiisa wanaagsan la isla arko.

Qaar ka mid ah saxaafada Spain ayaa Ter Stegen la bar bar dhigeen goolhaye Manuel Neuer xiligii uu dhalinta yaraa balse xidigan ayaa iska diiday arinkan wuxuuna yiri.

“Neuer waa goolhayaha aduunka ugu wanaagsan anigana gadaashiisa goolhayeyaasha joogaan ayaan ka mid ahay”

“Neuer kubada cagta heerkii ugu sareesay ayuu gaaray anigana wuxuu ii yahay dhiiri galin madaama aan doonayo inaan maro wadadii uu maray balse ma gaarin xili la iila garab dhigo”

Ter Stegen markii uu bilawgii xili cayaareedkan isaga soo tagay naadiga Borussia Monchengladbach waxaa ku adkaatay la qabsiga kooxdiisa Barcelona taasi oo sababtay inuu kursiga keydka galo.

Waxaana laga hor mariyay goolhaye Claudio Bravo oo La Ligaha Spain si joogto ah u qabto balse Ter Stegen midaas niyad jab kuma ridin wuxuuna ka faa’iideestay fursadii uu helay oo ahayd inuu qabto Copa del Rey iyo Champion-ka Yurub.

Haatana wuxuu kusoo baxay mid ay aad ula dhacsan yihiin maamulka iyo taageerayaasha Barcelona.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>