Goolhayaha waaya araga ah ee kooxda Chelsea Petr Cech ayaa beeniyay in heshiiska uu Arsenal ugu biirayo goor hore la dhameestiray.
Goolhayahaan reer Czech Republic ayaa la rajeynayaa inuu si rasmi ah ugu biiro Arsenal waqtiyada soo aadan waxaana soo ifbaxay warar sheegaya in labada kooxood ay ka heshiiyeen qiimaha xidigaan heerka caalami taasoo ah 11 Malyan Oo Pound.
Si kastaba xidiga qudhiisa ayaa barta twitter-ka ku beeniyay in la dhameystiray wax heshiis ah balse xili dhaw la rajeynayo wuxuuna sheegay inuu isaga ku xaqiijin doono bogiisa twitter-ka wax walba oo soo kordha.
“Ma jiro heshiis dhameystirmay wali, dhawaan wax war ah, aniga ayaa idiin xaqiijin doona” Ayuu kusoo qoray Petr Cech bogiisa twitter-ka.
33-jirkaan wuxuu soo afjarayaa nolosha Stamford Bridge isagoo ku qaatay 11-sano wuxuuna sanadii 2004 kaga soo biiray kooxda Rennes ee dalka Faransiiska, balse kursiga keydka oo uu daris la noqday ayaa ku qasbeysa inuu ka hayaamo Blues.
Ugu dambeyntiina Petr Cech ayaa la aaminsan yahay inuu wax fiican caawin doono kooxda Arsenal hadii heshiiska la dhameestiro.