Home » Maxaa Cusub » Goolhaye Thibaut Courtois Muxuu Ka Yiri Wararka Kooxdiisa Chelsea La Xiriirinaya Shabeelka Colombia Radamel Falcao

Goolhaye Thibaut Courtois Muxuu Ka Yiri Wararka Kooxdiisa Chelsea La Xiriirinaya Shabeelka Colombia Radamel Falcao


celebracion_uefa_simeone_falcao

Goolhayaha kooxda Chelsea Thibaut Courtios ayaa war farxad leh u arka wararka kooxdiisa la xiriirinaya saaxiibkiisii hore Atletico Madrid Radamel Falcao.

Falcao ayaa si foolxun ku bilowday sanadkiisii ugu horeeyay horyaalka Ingiriiska wuxuuna hal sano oo fashil ah ku qaatay kooxda Manchester United, balse haatan waxaa soo baxaya warar xidigaan la xiriirinaya ku biiritaanka kooxda Blues kuwaas oo heer dhamaad ah kuba sii dhaw.

“War kama haayo arimaha suuqa, balse dabcan aad baan u aqaanaa Falcao” ayuu yiri Courtios oo ka hadlayay arimaha kooxdiisa la xiriirinaya saaxiibkiisii hore Vincent Calderon isagoo la hadlaya Daily Mail.

“Waa wiil aad u wanaagsan oo qalbi nadiif ah leh, sidaas darteed hadii uu imaado wax weyn ayey ahaan laheyd”

“Go’aankaas wuxuu u yaalaa kooxda, balse aad buu ugu wacnaan lahaa kooxda Blues”

Kooxda heysata horyaalka ee Chelsea ayaa 90% dhameystirtay saxiixa Falcao waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqdo saxiixiisa.

Ugu dambeyntii Jose Mourinho wuxuu doonayaa inuu fursad siiyo Falcao, waana waqtigii uu xidigaan heerka caalami isbari lahaa United oo aan siin fursadii uu doonayay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>