Maanta ayaa lagu balansan yahay in la sameeyo isku aadka koobka Horyaalada yurub wareegiisa Quater Finalka, kadib markii sideed kooxood ay xaqiijiyeen iney soo gaaraan wareegaan.
Horyaalka Spain ayaa sadex koox ku leh, halka faransiiska ay laba koox ku leeyahiin balse horyaalada Serie A-da, Bundesliga iyo Portugal min hal koox ayey ku laayihiin.
Xarunta xiriirka UEFA ee magaalada Nyon dalka Switzerland ayaa maanta lagu qaban doonaa saacaada geeska Afrika markey tahay 2:00 Duhurnimo, sidoo kalana 3:00 Galabnimo waxaa la qaban doonaa isku aadka wareega quater finalka koobka Europa League-ga.
Hadaba Sideeda Kooxood Ee Soo Gudbay Labada Tartanka Champions League iyo Europa League:
1. Real Madrid
2. Atletico Madrid
3. Barcelona
4. Bayern Munich
5. Juventus
6. Paris Siant Germain
7. Fc Porto
8. As Monaco
Dhanka kale Europa League:
Club Brugge (Belgium)
Dnipro (Ukraine)
Dynamo Kiev (Ukraine)
Fiorentina (Italy)
Napoli (Italy)
Sevilla (Spain)
Wolfsburg (Germany)
Zenit (Russia)
Lugta hore kulamada Champions League waxaa la ciyaari doonaa 14-ka iyo 15-ka April, halka lugta labaad la ciyaari doono 21-ka iyo 22-ka April.
Sidoo kale lugta hore wareega quater finalka Europa League waxaa la ciyaari doonaa 16-ka April, halka lugta labaad la ciyaari doono 23-ka April.
Si Toos Ah ayaan idinla socodsiin doonaa xaflada ka dhaceysa Nyon inagoo si qoraal ah idinkugu soo tabin doona hadii uu ilaahey yiraahdo.
Cabdiraxman magafe
20-March-2015 at 11:47 am
Wxan raba in laysku adiyo real vs monaco iyo barselona vs bayer munich paris vs juvantus