Home » Maxaa Cusub » Gundogan Waa Ogolaaday, Keylor Navas Ma Xigi Doona? Qorshaha Van Gaal Uu Dib Ugu Dhisayo Man United Oo Xowli Ku Socda

Gundogan Waa Ogolaaday, Keylor Navas Ma Xigi Doona? Qorshaha Van Gaal Uu Dib Ugu Dhisayo Man United Oo Xowli Ku Socda


Sida la rumeysan yahay Louis Van Gaal ayaa loo gacan galin doonaa malaayiin lacag ah si uu kooxdiisa dib u dhis baahsan ugu sameeyo waxaana uu Axadii ka dhawaajiyay inuu qorshahiisa koowaad ka bilaabi doono inuu kala hagaajiyo kooxda uu haatan heysto.

Van Gaal ayaa la kulmi doona dhamaan ciyaartoyda Man United isagoo u sheegi doona mid walba iyo qorshaha uu ka damacsan yahay iyadoo la filayo inuu dhowr ciyaariyahan ka diri doono kooxda.

Qorshaha Ay Man United suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ku gali doonto xagaagan ayaa haatan si xowli ah ku soconaya iyadoo warbixinada la helayo ay sheegayaan iney heshiis hordhac ah la gaartay Ilky Gundogan kaas oo la aaminsan yahay inuu ka tagi doono xagaagan Dortmund.

Dhanka kale Keylor Navas ayuu Van Gaal isha ku hayaa isagoo doonaya inuu badal uga dhigo David De Gea oo kusii jeeda magaalada Madrid si uu ugu biiro kooxda Los Blancos.

Macalinkaan reer Holland wuxuu durba gacanta kusoo dhigay muluqii uu Koobka Aduunka ku abaalmariyay ee Memphis Depay kaas oo ay United la saxiixatay goor hore waxaana uu horaantii bishaan caafimaad guuleystay ku maray xerada tababarka Man United ee Carrighton.

Qorshaha Van Gaal waxaa ku jiray Mats Hummels oo go’aanka uu ku joogayo Dortmund u sheegay United, waxaase la hadal hayaa in Otamendi ay ku qancisay iney siin doonaan 3.5 Malyan Oo Pound sanadii hadii uu kusoo biiro Old Trafford.

SIdoo kale Paul Pogba ayey United doonesyaa iney dib ugu soo celiso Old Trafford, halka Gareth Bale iyana aysan wali ka quusan.

Ugu dambeyntiina United ayaa ku qalqalaineysa Nathaniel Clyne oo daafaca midig kaga ciyaara Southampton inuu Old Trafford yimaado isagoo la midoobi doona Luke Shaw.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>